Madaxweyne Al-Sisi oo ka hadlay heshiiskii Farmaajo iyo Kenyatta

farmaajo iyo uhuru

Madaxweynaha Masar, Mudane Cabdifitaax Al-Sisi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiskii ay dhowaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen gudaha magaalada Nairobi ee Caasimada dalkaasi.

Al-Sisi oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiska Diplomaasiyadeed ee ay wada gaareen Madaxweynayaasha Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu muhiim yahay heshiiskaas, islamarkaana uu gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar.

“Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood.”ayuu yiri Madaxweyne Cabdifitaax Al-Sisi.

Ugu dambeyn Madaxweyne, Al-Sisi ayaa carabka ku dhuftay in dowladdiisu ay garab taagnaan doonto sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Masar oo hadda guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa dadaal ku bixiyey xiisada Soomaaliya iyo Kenya, isagoo dhowaan labada Madaxweyne kulan kula qaatay magaalada New York, kadib shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xiriirka labadaan dal ayaa sii xumaanayey, tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka dhinaca Badda ee haatan dacwaddiisu taallo maxkamadda cadaalada dunida ee ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here