Madaxweyne Axmed Qoor Qoor oo wada-hadallo kula jira Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir

qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor, ayaa billaabay dadaallo uu wada-hadallo kula galayo xubnaha ka soo horjeeda ee Sheekh Shaakir iyo Xaaf.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Dhuusamareeb ay iminka ka socdaan kulamo iyo dadaallo ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa xiisadda Ahlu-Sunna iyo maamulka Qoor Qoor, sida uu sheegay wasiirka tamarta Galmudug Axmed Shire Falagle.

Qorshaha wada hadallada labada dhinac ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya odaayaasha dhaqanka iyo hoggaanka ururada bulshada rayidka Galmudug.

Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu ku howlan yahay sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa arrimaha Galmudug.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in Qoor Qoor uu wada-hadal kula jiro  xubnaha ay hoggaaminayaan Sheekh Maxamed Shaakir iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo mid walba uu sheegto in uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Galmdug.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in khilaafka jira la soo afjaro waqti kooban kadib, si loo soo dhiso xukumadda cusub ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here