MADAXWEYNE DENI OO DADKA REER PUNTLAND ISUGU YEERAY SHIR WEYNE WADA-TASHIYA

siciid deni 182019

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay shirweyne ay isugu imanayaan reer Puntland, oo looga tashanayo aayahooda, xilli uu sheegay in dowladda federaalka ay dagaal ku hayso.

Shirkaasi ayaa 15-ka Bisha Maarso ka dhacaya magaalada Garoowe, wuxuuna Deni u yeeray xildhibaannada labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan waxgaradka reer Puntland.

Saciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya “ay shaqo ka dhigteen sidii loola dagaalami lahaa” maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ay hantidii qaranka iyo ciidamadii loo soo tababaray in ay waddanka ka xorreeyaan argagixisada ay u adeegsaneyso inay ku burburiso maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay gobolka Gedo ku daabuleyso ciidamo “ujeedka laga leeyahay uu yahay caburinta shacabka.”

Saciid Dani ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda federaalka inay baal-martay nidaamkii federaalka ee lagu doortay, islamarkaana ay isku koobtay arrimihii masiiriga ahaa ee dalka, halkii ay wada-tashi kala yeelan lahayd dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo Saciid Deni

MADAXWEYNE DENI OO FARIIN ADAG U DIRAY DOWLADA FEDERAALKA

Slået op af SBC Somali TV i Fredag den 7. februar 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here