MADAXWEYNE DENI OO KA BAAQDAY SAFARKII KISMAAYO UU MAANTA KU TEGI LAHAA

deni safar

Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa sabab aan wali la shaacin uga baaqday safar ay maanta ku tegi lahaayeen magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu wado in maalinta berrito ah lagu qabto caleemo-saarka Axmed Madoobe.

Ka hor baaqashada madaxweyne Deni iyo wafdigiisa, waxaa warbaahinta Jubbaland ay shaacinaysay in wafdiga Puntland laga sugayay garoonka Kismaayo, halkaasoo loogu diyaariyay soo dhoweyn balaaran.

Madaxweyne Deni oo Boosaaso kasoo duulay maanta barqadii, waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku sugayay wafdi kale oo uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kuwaas oo u raaci lahaa Kismaayo.

Balse mar qura ayaa warbaahintu ka war heshay in Madaxweyne Deni iyo wafdigiisii ay soo gaareen Aqalka madaxtooyada Garowe, oo ay maanta ka baaqdeen safarkii Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa ku gaabsaday in madaxweynaha iyo wafdi kasii raacaya Garowe ay berrito aroortii ku wajahan yihiin Kismaayo.

Warbaahinta qaar ayaa tebinaysa in safarka madaxwyenuhu u baaqday sababo la xiriira garoonka Kismaayo oo aan laga degi karin waqti habeen ah, hase yeeshee warkaas xaqiiqo uma eka.

Ma jirto culays madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ka saaran inay Kismaayo u safraan, hase yeeshee cilado farsamo oo aan weli dowladdu shaacin ayaa keentay baaqashada wafuuda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here