Madaxweyne Deni oo mid mid u qaabilay Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka

siciid deni 182019

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay mid-mid u qaabilsay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, oo socdaalka ku wehelinayay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirada Madaxweyne Deni uu xalay qaabilay, waxa kamid ah Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abukar Xaaji, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Caddaalada Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed jaamac iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim.

Madaxweyne Deni, ayaa mid kasta oo Wasiiradaas kamid ah kala hadlayay Arrimaha uu qaabilsanyahay, waxaana kulamada ku weheliyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, kuwaas ay isku shaqo yihiin xubnaha Madaxweynuhu la kulmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here