Madaxweyne Donald Trump oo u hanjabay Dowladda Ciraaq

trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn aad u ballaaran uu kusoo rogi doona Dowladda Ciraaq, haddii ay dhaqangeliso qaraar uu meel-mariyay barlamaanka dalkaas.

Donald Trump ayaa sheegay in saldhigga cirka ee uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday balaayiin doolar, ciidamada Mareykakana aysan ka bixi doonin dalkaas ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalkaas ay ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhigaas.

Barlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qorshe dalkaas looga saarayo ciidamada ajnabiga ah ee jooga gudaha wadanka Ciraaq.

Arrintan ayaa lala xirirnayaan dilkii uu Mareykanka gudaha dalka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waxaana dilkiisa ay sii hurisay xiisadii awalba u dhaxeysay Iran iyo Mareykanka.

Kulan aan caadi ahayn oo uu barlamaanka dalkaas yeeshay maalin kahor ayaa xildhibanaada barlamaanka waxay dowladda ugu baaqeen in dalkaas ay ka saarto ciidamada ajnabiga ah ee jooga, sidoo kalena ay ka laabato codsi ay xukuumadda horay ugu gudbisay xulafada uu hogaamiyo Mareykanka oo dhigaya in xukuumadda Baqdaad ay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

“Dowladda waxaa ka go’an in ay ka laabato codsi taageero oo ay weydiisatay isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalamaya kooxda Daacish, maadaama uu dhamaaday hawgalka milateri ee gudaha Ciraaq, lagana adkaaday kooxda ISIS,” ayaa lagu yiri qaraarka.

“Dowladda Ciraaq waa in ay si khasab ah uga shaqeysaa soo afjaridda joogitaanka ciidamada ajnabiga ah ee jooga dalka Ciraaq, lagana mamnuucaa in ay adeegsadaan hawada, dhulka iyo biyaha dalka Ciraaq,”, ayaa la raaciyay.

.
Qasem ayaa waxaa dilay Mareykanka

Qaraarkan ay soo jeediyaan xildhibaanada barlamaanka ayaa u baahan in xukuumadda dalkaas ay saxiixdo, si meesha looga saaro heshiiska hadda jira ee ay xukuumadda Baqdaad la gashay Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa kahor meel marinta qaraarka waxaa uu barlamaanka dalkaas ugu baaqay in ay soo afjaraan joogitaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan Ciraaq.

“Inkastoo aan wajihi doonaa culeys dhanka dibadda iyo gudaha dalka, haddana arrintan waxay dan ugu jirtaa dalka Ciraaq,” ayuu yiri Abdul Mahdi oo la hadlayay barlamaanka kahor codeynta.

Ku dhawaad shan kun oo aksari ayaa Mareykanka ka jooga dalka Ciraaq, kuwaas oo intooda badan ah lataliyeyaal iyo khubaro milateri oo tababar u sameeya ciidamada Ciraaq.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay Iran taagaeerto ee PMF ayaa sanadkii 2014-ka dalkaas ka bilaabay duulaan ka dhan ah kooxda Daacish.

.
Kumanaan u baroordiiqaya Qasem

Tareq Harb oo ah khabiir darsa arrimaha bariga dhexe ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen barlamaanka dalka Ciraaq ay ka dhalatay dilkii Jeneraal Qasem Suleimani.

“Abdul Mahdi uma bannaaneyn waxkale oo aan ka ahayn in go’aan adag uu ka qaato joogitaanka ciidamada Mareykanka ee jooga gudaha Ciraaq,”ayuu yiri.

Dowladda Mareykanka ayaa jimcihii lasoo dhaafay xaqiijisay in duqeyn dhanka cirka ah ay ku dishay Jeneraal Qasem Soleiman oo madax ka ahaa ciidamada Quds.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Jeneraal Suleimani waxaa uu laf-dhbar u ahaa Dowladda Iran, waxaana ciidamadiisa Quds oo qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here