Madaxweyne Erdogan oo wacad ku maray in uu ka guulaysan doono dagaalka dhaqaale

madaxweyne erdogan

Lacagta Turkiga ee Lira ayaa aad hoos ugu dhacday ka dib markii madaxweyne Erdogan uu laba jibbaaray siyaasadihiisa dhaqaalaha.

Waxa uu difaacay dhimitaankii dhawaan lagu sameeyey xaddiga lacagaha dulsaarka ah, ayadoo ay jiraan sicir barar iyo lacagta dalkaas oo aad u daciiftay, ayuu Erdogan wacad ku maray in uu ka guulaysan doono wax uu ku tilmaamay “dagaalka dhaqaale ee madaxbanaanida”.

Hase ahaatee guddoomiye ku xigeenkii hore ee Bangiga Dhexe, oo shaqada laga eryay bishii hore, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in siyaasadda Erdogan ay caddaatay in ay tahay tijaabo aan caqli gal ahayn oo ay tahay in si degdeg ah looga tanaasulo.

Lacagta Lira ayaa qiimo ahaan hoos u dhacday 20% tobankii cisho ee u dambeeyey, waxayna sannadkan oo qura hoos u dhacday 40% waana lacagta ugu liidata ee suuqyada soo koraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here