Madaxweyne Erdogan: QM waxay fiirsaneysaa dhulka reer Falastiin ee la boobayo

madaxweyne erdogan

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay Cadaalad darada iyo dhibaatooyinka ka jiro Adduunka xilli uu khubad xasaasi ah ka jeedinayey Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay Talaadadii Shalay aheyd.

“ Beesha Caalamka waxay lumineysaa awooddii ay u laheyd xal u helidda caqabadaha sida argaggixisannimada, Gaajada, Musiibada iyo isbedelka Cimilada” ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu Qaramada Midoobay ku eedeeyey inay ku guuldareystay inay qaado tallaabooyin wax looga qabanayo dhibaatooyinkaas.

“Dunidu way illowday Qaxootiga Siiriya iyo kuwa Aylan Kurdi si dhakhso ah,” ayuu yiri Erdogan, isagoo ku booriyey hoggaamiyeyaasha Adduunka inay taageeraan qorshaha la soo jeediyay ee aag nabdoon laga dhisi doono Syria.

“ Waan daabuli karnaa tirada Siiriyaanka si amaan ah, si dalkooda loogu celiyo 3 milyan hadii wadada nabada loo dheereeyo ee  khadka Deir el-Zor-Raqqa, waxaan ugu baaqayaa xubnaha Qaramada Midoobay inay taageeraan dadaalada Turkiga ee sugida amniga ee Idlib Syria, ” ayuu yiri madaxweynaha.

Erdogan oo ka hadlayey dagaalka Israa’iil iyo Falastiin ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyey inay ka jiifatay arrintaas isla markaasna horteeda lagu boobay dhulkii ay lahaayeen dadka Reer Falastiin.

Wuxuu Qaramada Midoobay horteeda kusoo bandhigay boobka lagu hayo dhulka reer Falastiin iyo halkii ay markii hore kala joogeen Israa’iil iyo Falastiin sanadkii 1967.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah Falastiin loogu dhiso dowlad loo dhan yahay isla markaasna xuduuda Israa’iil iyo Falastiin lagu soo celiyo sidii ay aheyd sanadkii 1967 meeshana laga saaro in Qudus tahay Caasimadda Israa’iil.

Khudbadda Erdogan oo aad u dheereyd ayaa noqotay mid xamaasad ka dhex dhalisay shirka Qaramada Midoobay, wuxuuna noqday hoggaamiyaha kaliya ee sida dhabta ah uga hadlay dhibaatada lagu hayo dadka Muslimiinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here