Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo khadka Tafeelanka ka wadahadlay

0
farmaajo iyo Sheikh Tamim bin Hamad al Thani

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar oo yeeshay kulan qadka Tafeelanka ah ayaa kawadahadlay iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan qadka taleefanka amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo marxalada kala guurka dalka gaar ahaan ariimaha doorashooyinka dalka kuwaasi oo ku saleysan dimuqraadiyad nabadeed.

Afhayeenka warfaafinta madaxtooyada dalka Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay boga uu ku leeyahay twitter inay labada hogaamiye ay kawada hadleen iskaashiga iyo sidii doorashadalka dalka ay ugu dhici laheyd mid nabadoon.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya usoo dirtay ergayga dhax-dhaxaadiya khilaafka ka dhashay doorashada kaasi oo hada ku sugan magaalada Muqdisho kana wada kulamo lagu xalinayo iyo sidii layskugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here