Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul-Goboleedyada oo hadda kulan ku leh Villa Somalia

Madaxda dalka

Kulan qado ah ayaa xilligaan waxaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulanka hadda u socdo Dowladda iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa gogol xaar u ah sidii ay madaxda isugu qancin laheyd furitaanka kulanka la filayo inuu Muqdisho ka dhaco.

Waxaa jiro caqabado hor taagan furitaanka kulankii uu shaaciyey madaxweyne Farmaajo, waxaana hadda la filayaa in caqabadahaas la xaliyo.

Kulankaan qadada ah ayaa yimid kadib markii uu Maanta baaqday kulankii Muqdisho uga furmi lahaa madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Ammaanka Magaalada Muqdisho iyo agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana la xiray qaar badan oo ka tirsan jidadka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here