Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo Taleefanka ku wadahadlay

farmaajo iyo uhuru

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku wadahadlay khadka Taleefanka waxaana ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo sugidda amniga.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada SOomaaliya ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.”

Dowladda Kenya ayaa shalay ku eedeysay Dowladda Soomaaliya in ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Kenya, iyada oo arrintaasi ka dhalatay dagaalkii Mandheera ee Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa C/Rashiid Janan ee ay taageerto Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here