Madaxweyne Farmaajo ka tacsiyeeyey geerida cayaaryahan Saciid Ducaale

Farmaajo tacsi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa tacsi u diray qoyska iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Siciid Ducaale oo ka tirsanaa Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxaana lagu sheegay war kasoo baxay Villa Somalia in Madaxweyne Farmaajo uu khadka teleefanka kula xiriiray marwadii iyo qoyska uu ka baxay halyeeygii Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed marxuum Siciid Ducaale, waxuuna uga tacsiyeyay geerida marxuumka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marxuum Siciid Ducaale uu ahaa ciyaaryahan magac iyo sharaf u soo hoyay Xulkeenna Qaranka Soomaaliya iyo kooxihii uu matalay ee gudaha iyo dibadda.

“Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto halyeey Siciid Ducaale, qoyska, Qaranka iyo guud ahaan bahda Isboortiga Soomaaliyeedna ha ka siiyo samir iyo iimaan”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Allaha u naxariistee Siciid Ducaale ayaa usoo ciyaaray Xulalka Qaranka Soomaaliya iyo dalka Yemen, waxuuna sidoo kale mar usoo cayaari jiray kooxda Horseed iyo kooxo kale oo ka kala dhisan dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here