Madaxweyne Farmaajo oo abaal-marin ku helay heshiiskii is dhex-galka Geeska Afrika

farmaajo itoobiya

 Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, (Farmaajo) oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, islamarkaana ka qeyb galay shirka Concodia Summit ayaa la guddoonsiyey billad hoggaan wanaag ah.

Sidoo kale waxaa billadan la siiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Saddexda mas’uul ee haatan hoggaamiya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa billadahan ku muteystay dib u habeynta iyo is dhexgalka bulsho ee ay ka sameeyeen Bariga Afrika.

Isbedalladan ayaa soo billowday 2018-kii, iyadoo si weyn looga dareemay guud ahaan Qaaradda Africa.

Waxa kale oo uu isbedalkan horseeday soo nooleynta xiriirkii muddada go’naa ee Itoobiya iyo Eritrea, iyadoona Soomaaliya door muuqda ku laheyd dadaalladaasi.

Dowladda federaalka ah ee Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa si xoogan u xoojisay xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo hadda door fir-fircoon ku leh dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolka iyo guud ahaan dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here