MADAXWEYNE FARMAAJO OO BERRI LAGU DHAARIN DOONO BF

m farmaajo1

Xildhibaanada golaha shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulan lagu dhaarinayo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa berri markii la dhaariyo wixii ka dambeeya wuxuu xubin ka noqonayaa golaha shacabka, kursigaan ayaa ah xubin sharafeed uu ku helay xilkii madaxweynaha ee dalka uu ka soo qabtay.

Sidoo kale kulanka golaha shacabka ayaa berri lagu dhaarinayaa xubin ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Hirgalinta Dastuurka, sida lagu shaaciyey ajendaha.

Intaas kadib xildhibaanada golaha shacabka ayaa berri gudagelaya doorashada guddoonka guddiyada Golaha Shacabka, kuwaas oo gaaraya 14 guddi.

Laba habeen ka hor guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo saaray liiska 14-ka guddi ee golaha shacabka loo kala qeybiyey, kuwaas oo berri oo dooranaya guddoonadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here