Madaxweyne Farmaajo oo caawa kulan la qaatay guddoonka golaha shacabka

Farmaajo iyo gudoonka bf

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban kasoo saartay kulan caawa maadxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xafiiskiisa kula yeeshay guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraalkan lagu sheegay inuu madaxweynuhu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo hadda ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalkan wax faah-faahin loogama bixin wada-hadallada dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here