Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Villa Somalia2

Muqdisho, Febaraayo 21, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar iyo talo-soojeedintooda oo soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashid Maxamed Xaashi Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here