Madaxweyne Farmaajo oo iclaamiyey shir ka dhici doona Garoowe

m farmaajo6

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shir kale ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada isugu imaanayaan 15-ka bishan, magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Qoraalka ayaa wuxuu u dhignaa sidan.

Muqdisho, Febaraayo 09, 2021: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Cabdirashiid Maxamed Xaashi Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Twitter: @TheVillaSomalia

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Youtube:https://www.youtube.com/XafiiskaWarfaafinta/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here