Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Puntland

farmaajo5

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaskii Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya Puntland.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu u horeeyo wiilkiisa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Marxuumku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here