MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ XASAN CUMAR XASAN

Villa Somalia2

Muqdisho, Maarso 18, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Cumar Xasan oo ku geeriyoodey magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay doorkii uu ku lahaa Marxuumku dhismaha dowladnimada, xasilloonida dalka, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Cumar Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.

”Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here