Madaxweyne Farmaajo oo kulan-maamuuseed ugu fidiyey Xoghayaha Guud ee IGAD

farmaajo iyo sec igad Workneh Gebeyehu3

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xoghayaha Guud ee urur goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayeha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ka miro-dhaliya qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay buddhigeyaasha ururkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here