Madaxweyne Farmaajo oo kulan wadatashi la qaatay Xildhibaannada Haweenka ee 2 Aqal

farmaajo xildhibaanada haweenka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kulan wadatashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka ee horyaalla Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya qorsheyaasha qaran ee dib u eegista Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna”.

Dhankooda, Xildhibaannada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan Shirweynihii 3-aad ee Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, iyagoona ka xog wareystay qorsheyaasha dowladda ee awoodsiinta Haweenka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, waxa uuna ku ammaanay xildhibannada Labada Aqal dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here