Madaxweyne Farmaajo oo la filayo inuu safar deg deg ah ku tago Dalka Imaaraat-ka

farmaajo socdaal

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu dhawaan gaaro Magaalada Abu Dubai ee dalka Isku taga Imaaraat-ka Carabta.

Xogtaan ayaa waxaa laga soo xigtay ilo ku dhaw Xafiiska madaxweyne Farmaajo iyagoo sheegay inay madaxda UAE uu la kulmi doono Madaxweynaha marka uu halkaas tego.

Isku soo dhawaanshiyo ayaa muuqda Labada Dawladood oo diblomaasiyada xiriirkooda uu xumaa Sanad ku dhawaad.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin salmaan ayaa fariin ka timid waxa lasoo gaarsiiyey Villa Soomaaliya taas oo ku aadan inay muhiim tahay in laga gudbo marxalada UAE iyo Soomaaliya ka dhex jrta.

Arintaan waxay daba socotaa xilli Labo Maalin ka hor Muqdisho kulan ku yeesheen Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Danjiraha Imaaraat-ka ee soomaaliya Axmed Al Xamaadi oo muddo aan Muqdisho ku shaqeynin, tan iyo xiriirka labada dal markii uu xumaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here