Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Japan

farmaajo pm japan shinzo abe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe.

Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka.

“Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here