Madaxweyne Farmaajo oo martiqaad ka heley Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

vladimir putin

Dowladda Ruushka ayaa markii ugu horeysay muddo dheer kadib safiir u magacaabatay Soomaaliya, kaas oo waraaqihiisa danjironimo uu ka guddoomay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu Mudane Mikhail Golovanov yahay safiirka rasmiga ah ee Ruushka ku matala Soomaaliya.

Dhanka kale safiir ayaa warqad casuumaad ah ka waday madaxweynaha Ruushka, taas oo ah in Farmaajo uu booqasho ku tago dalkaas Ruushka, isaga oo ka qeybgalaya shirka Afrika iyo Ruushka ee ka dhici doona magaalada Sochi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here