Madaxweyne Farmaajo oo safar aan horay loo shaacin ku gaaray dalka Itoobiya

farmaajo iyo abiy adis

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Adis-ababa ee xarunta wadanka Itoobiya iyada oo wefdiga madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay halkaas.

Ra’iisul-Wasaaraha dalka Iyoobiya Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada adis soo dhaweyn heer sare ah ugu sameeyay  wefdiga uu hogaaminayay madaxweyanaha dalka.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Itoobiya uga qeyb gelaya shir madaxeedka Urur Gobaleedka IGAD oo maalmaha soo socda ka furmaya dalkaas isla markaana ay ka qeyb geli doonaan madax kala duwan.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan, Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan iyo madax kale.

Madaxweyen Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in in inta uu ku sugan yahay Magalada Addis Ababa in uu la kulmo Madaxda kale ee ka socda Wadamada Afrika kana qeyb-galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay la wareegto guddoomiyenimada Ururka IGAD, waxaana xilkaasi qaban doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo kala wareegaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  oo xilkaasi haaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here