Madaxweyne Farmaajo oo safar degdeg ah ku tagaya dalka Eritrea

farmaajo3

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo Jimco ah u safri doona magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xiriiro arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka iyo xaalado muddooyinkii u dambeeyay soo kordhay.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Isbaheysiga saddex geesoodka ee Eritrea iyo Itoobiya ee Isdhexgalka iyo Iskaashiga Gobolka, sidoo kale Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ka mid ah Isbaheysiga cusub ee dalalka ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Caddan oo dhowaan Wasiirada Arrimaha dibadda ee 8 waddan ku kulmeen Magaalada Riyadh.

Dowladda Eritrea ayaa muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay inay heysay malafka arrimaha Gobolka ee danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay leeyihiin, iyadoo bishii hore Madaxweyne Isaias Afwerki uu booqasho ku tagay Imaaraadka Carabta, maalmo kaddibna waxaa uu tagay Addis Ababa.

Eritrea ayaa bishii November ee sanadkii hore ku eedeysay Qatar inay dalkeeda ka wado xasillooni daro iyo kacdoon ay dooneyso inay ku kiciso dhalinyarada, abuurista falal amni daro oo ay ka mid tahay sameynta Kooxo shirqoolo dilal ku fuliya Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha sare.

Dowladda Soomaaliya ayaa xulufo dhow la ah dalka Qatar oo ka taageerta dhinacyo kala duwan oo dhaqaalaha ugu weyn yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here