Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga doorashooyinka qaranka

farmaajo saxiix

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal, kaasi oo hadda noqonaya sharci qaran oo dhaqangal ah.

Madaxweynaha ayaa sharcigan ku hor saxiixay munaasabad lagu soo xirayey kal-fadhiga 6-aad ee baarlamanka Soomaaliya oo caawa lagu qabtay madaxtooyada. Sharcigan ayaa waxaa horey usoo ansixiyey Aqalka Sare, oo meel-mariyey labadii Febraayo iyo Golaha Shacabka oo ansixiyey 28-kii December.

Sharcigan ayaa waxaa qodobada ugu weyn ee ku jira ka mid ah in xildhibaanada golaha shacabka ee 2020 ay soo doortaan shacabka, ayada oo la marayo nidaamka qof iyo cod ah, oo ka dhacaya deeganadooda.

Waxaa sidoo kale, sharciga uu dhigayaa in madaxweynaha jamhuuriyadda ay soo dooraan doonaan labada aqal ee baarlamanka, si waafaqsan qodobka 89-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here