Madaxweyne Farmaajo oo saxiixaya 13-ka kursi ee gobolka Banaadir

farmaajo saxiix

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shalay shaaciyey in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu saxiixi doono metelaada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiye Cumar Filish uu ka dhawaajiyey in madaxweynuhu uu dhawaan saxiixayo 13-ka kursi ee Aqalka Sare loogu darayo gobolka Banaadir.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa horay u meel mariyey 13-kan kursi ee golaha Aqalka Sare laga siinayo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa horay u dalbaday in Muqdisho metelaad iyo maqaamba ay ka hesho hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda, balse kuraastan ayaa ah metelaad, halka maqaamkiina aan weli meel la saarin.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa aad u soo dhaweeyey markii uu baarlamaanku meel mariyey kuraastan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here