Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Abiy farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed abaalmarinta caalamiga ah ee uu ku guuleystey.

Qoraal uu soo dhigay boggisa twitterka ayuu ku sheegay in uu u qalmo Abiy Ahmed guusha uu gaaray.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaaraga Itoobiya Abiy Axmed oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize, wuxuuna ahaa sanadkaan mid u qalma in uu ku guuleysto, kadib iskaashigii uu ka sameeyey wadamada Gobolka ayuu yiri”Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ayaa ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda ee Oslo, waxaana tani ay ku timid heshiiskii uu la gaaray dowlada Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here