Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo xisbigiisa

farmaajo saxiix

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo xisbigiisa oo ku guuleystay doorashadii baarlamanka ee ka dhacday dalkaas.

Farmaajo oo qoraal soo dhigey Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in Ra’isul Wasaare Johnson & dowladdiisa ay yihiin Saaxiibo muhiim u ah Soomaaliya.

”Guusha doorashada Boqortooyada Midowday (UK) waa saaxiibo muhiim ah oo saaxiibo la ah Soomaaliya, hogaamiyaha Boqortooyada Ingiriiska, waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno si aan u sii xoojino xiriirka labada dal” ayuu yiri” Madaxweyne farmaajo.

Boris Johnson Ra’isul Wasaaraha Boqortooyada UK ayaa Magaalada Muqdisho booqasho ku yimid 15-kii Bishii Maarso ee sanadkii 2017, isagoo xiligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda UK, wuxuuna la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here