Madaxweyne Farmaajo oo u kuurgalay saameynta ay fatahaadu webigu u geysatay Beledweyne

farmaajo beledweyne2

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo galinkii danbe ee maanta tagay magaalada Beledweyne ayaa u kuurgalay xaaladda biyaha iyo saameynta ay yeesheen.Madaxweynaha oo wehliyaan xubno ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa booqday Buundada xaafadda Xaawo Taako ee [Buunda-Koowaad ] oo ah halka ugu darran marka ay fatahaadu ku dhufato magaalada, waxaana mara togga ugu weyn ee biyaha ku dara Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha ayaa sanadkii hore sidan oo kale mar uu booqday magaalada waxaa kormeeray xaafaddaha ugu darran oo ay fatahaadu ku dhufatay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday hay’adda deeqda bixiya in ay gargaar deg deg la soo gaaraan dadka ku barakacay Beledweyne, iyadoo dhinaca kalana uu soconayo ololle loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen biyaha oo dad Soomaaliyeed oo is abaabulay ka wadaan gudaha dalka iyo dibadda intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here