Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray dagaalka ka socda duleedka Kismaayo

Madaxweyne farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq deg dega ah kasoo saaray dagaal beeleedka ka socda duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

In ka badan 50 qof ayaa toddobaadkan ku naf weysay dagaal beeleedkan soo noqnoqdey oo ka socda deegaanada Fuuma, Kooyaamo iyo Jiiroole oo qiyaastii 30 ilaa 50 km dhanka galbeedka uga beegan magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa murugo iyo uur-ku-taallo ku tilmaamay dagaalka sokeeye ee ka socda deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxuuna ku dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah ay u joojiyaan colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo maanta loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan”ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka, culimada iyo dhallinyarada deegaannadaas, in ay ku baxaan  joojinta dhiigga daadanaya, isagoo caafimaad u rajaynayaa dhamaan intii ku waxyeelowday dagaal beeleedkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in maanta ay wax yeelo xoog leh kasoo gaartay, dad aan ku jirin dhinacyada dagaalamaya oo ku noolaa deegaankaas, waxaana haatan Kismaayo ka socda dadaalo aan sidaas u weyneyn oo lagu doonayo in lagu kala dhex galo beelaha halkaas ku dagaalamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here