Madaxweyne Farmaajo oo xil u magacaabay Yuusuf Garaad

yuusuf garaad

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xilkan ayaa waxaa banneeyay la-taliyihii ugu dhowaa madaxweyne Farmaajo, Maxamed Balal oo hadda noqday Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda.

Wareegto kasoo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Danjire Yuusuf in u xilsaaray inuu sii amba-qaado doorka dalkeenu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wada-jirka ah ee heer Gobol.

Farmaajo ayaa u igmaday Danjiraha cusub inuu xooga saaro wax wada qabsiga, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalalka gobolka.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.”

Sidoo kale waxa wareegtada madaxweynaha lagu sheegay inuu Danjiruhu yahay xeeldheere diblumaasiyadeed, oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa Danjiraha u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo mas’uuliyaddan culus, isaga oo kula dar-daarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here