Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga Soomaaliyeed

General Maxamed Cali Bariise

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Weli lama shaacin cidda beddeleysa Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 10-kii October 2019 waxa uu  darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise, xilligaasi oo sidoo kalena uu u magacaabay Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here