Madaxweyne Farmaajo: Saciid Deni waa iga diiday walaalow aan wadahadalno

farmaajo2

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu muddo kadib ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyey wada-shaqeyntii dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

Khilaafkan ayaa la bilaawday qabashadii hoggaanka dowladda federaalka ee Madaxweyne Farmaajo, kaas oo soo jiitamayey seddaxdii sano ee uu xilka hayey, iyadoo maamulada qaarna ay dowladiisu ka hir gelisay hoggaamiyaal aan sidaas dadkoodu ugu qanacsaneyn.

Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siiyey TV-ga Universal isagoo jooga dalka Itoobiya ayaa sheegay, in dowlado shisheeye ay doonayaan in ay u kala dab qaadaan iyaga iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, taasna ay tahay mid aysan aqbali doonin ka dowlad-ahaan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha dawlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo khilaafka ugu badan uu kala dhaxeeyo dowladda uu hoggaamiyo, isagoo tilmaamay in xukuumadiisu ay sameysay isku dayo badan oo ay ku doonayso in lagu soo afjaro khilaafka ragaadiyey dowladnimada, balse ay ka suurtaabi weysay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu si gaar ah uga hadlayey khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni waxa uu yiri, “Walaalkey Saciid Deni madaxweynaha Puntland, dhawr jeer ayaan casuumay oo Xamar ku casuumay oo aan ku iri walaalow hana dul marin, ee bal mar nagu soo deg oo noo imaaw, aan wada fariisano, balse kama suurta gelin”.

Wereysigan ayuu Madaxweyne Farmaajo uga hadlay dhinacyo badan oo siyaasadda Soomaaliya ah, waxuuna mar kale ku celiyey in mudo kooban ay kusoo afjari doono dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here