Madaxweyne FARMAAJO: “Xukunka anigaa sii haynaya illaa ay doorasho ka dhacdo”

farmaajo5

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu xafiiska sii joogi doona illaa doorasho ay ka dhacdo dalka.

Farmaajo oo wareysi siiyey wargeyska Buffalo News ee dalka Mareykanka, oo kasoo baxa magaaladii uu ka yimid ee Buffalo ee gobolka New York ayaa yiri “Weli waan joognaa markii uu muddo xileedkeenu dhammaaday bilo kahor, sababtoo ah dalka ma huri karo firaaq, firaaq dhanka xukunka ah.” 

“Sidaas darteed illaa ay doorasho ka dhacdo, xafiiska waan sii joogi doonaa, sababtoo ah kama tagi karo, yaa hoggaaminaya dalka haddii aan baxo, sababtoo ah waxaa loo baahan yahay dowlad sharci ah oo xafiiska la wareegta, oo ku timaada doorasho,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa wargeyska u sheegay in labada sano ee uu ku kororsaday muddo xileedka ay tahay “isbeddel nidaam doorasho,” wuxuuna ku adkeystay in waqtigan dheeri ah uu ku qaban karo doorashooyin ay shacabka doortaan wakiiladooda.

Waxa uu sidoo kale ka jawaabay cambaareynta Mareykanka iyo Yurub ee ka dhanka ah muddo kororsiga. “Tan ma ahan muddo kororsi. Tani waa isbeddel nidaamka doorashada ah. Waxayna u baahan tahay waqti in doorashada la qabto, dabcan.”

“Doorashada dadban ma ahan doorasho, waa hanaan xulasho, sababtoo ah hoggaamiyayaasha qabaa’ilka ayaa xulaya xubnaha baarlamanka, kuwaas oo kadibna dooranaya madaxweynaha. Tani ma ahan hanaan dimoqraadi ah. Hase yeeshee doorashada qof iyo cod ah ayaa ah doorasho, taasi oo siineysa muwaadinka xuquuq uu ku codeeyo. Waxaan fileynay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay tani taageeri doonaan – oo aysan diidi doonin,” ayuu yiri.

Farmaajo oo la weydiiyey haddii uu xafiiska ka tegi doono haddii doorasho looga adkaado ayaa yiri “Haa dabcan, dhab ahaantii, ka laba labeyn la’aan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here