Madaxweyne Guudlaawe oo shaqada ka eryey Guddoomiyihii Guddiga SEIT

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah, isaga oo shaqada ka eryey guddoomiyihii guddiga SEIT ee maamulkaas, Mudane Axmed Xasan Diini.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiye Diini, iyada oo sidoo kale laga saaray xubinimada guddigaasi.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga maamulka doorashada HirShabelle u magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi).

Sababaha xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ayaa waxaa lagu sheegay xagal daacin, hufnaan la’aan shaqo iyo inuu guddiga ka leexiyey habsami u socodkii doorashada.

Sidoo kale xilka qaadistan ayaa daba socota, kadib markii xalay guddoomiyaha la eryey uu soo saaray warqad ay ku qoryaanyeen odayaal la sheegay in ay soo xulayaan ergada dooranaysa saddax kursi oo ka mid ah kuraasta taalla magaalada Baladweyne.

Kuraastaas sidoo kale waxaa ku jiray kursiga HOP#135 oo ay horey ugu fadhisay Aamino Maxamed Cabdi, balse goor dambe ayaa bogga guddiga laga saaray waraaqdaasi, iyadoona madaxtooyada HirShabelle ay been abuur ku tilmaamay liiska odayaasha la sii shaaciyey.

Arrintan ayaa loo sababeynayaa inay soo dadajisay xilka qaadista lagu sameeyey guddoomiyihii guddiga SEIT ee HirShabelle, Mudane Axmed Xasan Diini.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad ka dhalatay doorashada kuraasta taalla Beledweyne oo ay hareeyeen murano xoogan iyo is qab qabsiyo la xiriira doorashadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here