Madaxweyne Qoor Qoor oo golihiisa wasiiradiisa ku booriyey inay waajibaadkooda gutaan

qoorqoor

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadlay golihiisa wasiirada, isagoona carabka ku adkeeyay in looga baahan yahay inay si deg-deg u qabsadaan shaqooyinkooda.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada Galmudug & Hay’adaha kala duwan ee maamulkiisa laga rabo inay sida ugu dhaqsaha badan u gutaan waajibaadkooga, xili uu hadal ka jeedinayay baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shuruucda kala duwan ee Galmudug ay jiraan wasaarado baarlamaanka u gudbiyay iyo kuwo aan weli gudbin, isagoona faray in wasaaradaha dhiman ay soo dhameystiraan shuruucdooda.

Qoor Qoor ayaa golaha baarlamaanka Galmudug kula dar-daraamay inay si adag ula xisaabtamaan golaha wasiirada Galmudug iyo hay’adda kale ee maamulkiisa, midaasi oo uu sheegay inay meesha ka saareyso ‘gaabis ku yimaada waxqabadkooda’.

Ugu dambeyntiina waxa uu xildhibaannada baarlamaanka Galmudug uga mahad-celiyay sida ay u meel-mariyeen shuruuc kala duwan oo ay u gudbiyeen qar kamid ah golaha wasiiradiisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here