Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay Saraakiisha cusub ee Galmudug

qoorqoor

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay casho sharaf Magaalada Dhuusamareeb ugu sameeyay saraakiisha Cusub ee taliska qeybta guud ee Booliiska Galmudug.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho, dhiirrigalin iyo dardargalinta arrimaha amniga iyadoo kulankaan uu goobjooge ka ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo gelinkii dambe ee shalay halkaas gaaray.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa mudnaan gaar ah siinaya sugida amniga isaga oo u maraya dib-u habeynta laamaha amniga si ay awood ugu yeeshaa xaqiijinta nabadgalyada, kala danbeynta iyo hirgalinta sharciga.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay saraakiisha cusub in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ay xilka ula wareegayaan Taliska Booliska Galmudug iyo taliyeyaasha degmooyinka ee dhawaan la magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here