Madaxweyne Siciid Deni oo Puntland dib ugu laabtay

0
siciid deni 182019

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe.

Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Garoowe waxaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha xukuumadda, barlamaanka iyo maamulka degmada.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo soo dhoweynta ka dib warbaahinta kula hadlay aqalka martida garoonka ayaa sheegay in madaxweynuhu safaro ku soo maray dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxbadana uga soo qabsoomeen.

DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here