Madaxweyne Trump oo isticmaalay daawo ay dhakhaatiirta ka digeen

trump2

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu isticmaalay daawada loo yaqaano hydroxychloroquine -ka in kastoo ay saraakiisha caafimaadku ka digeen in daawadaan loo qaato fayraska karona.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayuu mar Trump, waxaa uu sheegay in uu bilaabay dhawaan isticmaalka daawada Malaariyada iyo daawo kale oo xoojisa difaaca jirka qofka.

“Waxaan qaadanayay muddo hal toddobaad iyo bar ah hadda waan joogaa, wali halkaan ayaan joogaa,” ayuu yiri.

Ma jiraan caddeymo muujinaya in dawadaan lagu magacaabo hydroxychloroquine-ka ay la dagaalami karto fayraska karona in kastoo tijaabo caafimaad lagu wado.

Mar la waydiiyay isniintii madaxweyne Trumo,faaiidada dawadaan ayuu ku jawaabay: ” waan tan caddeynteeda oo ah waxaan ka helay wax tar badan.”

Madaxweynaha oo si is daba joog ah uga hadlayay daawadaan maalmihii la soo dhaafay ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha caafimaadka ay isticmaalaan .

“Waxaad la yaabi doontaa sida ay dad badani u qaadanayaan, gaar ahaan shaqaalaha safka hore, shaqaalaha safka hore, qaar badan, way qaatan,” ayuu yri madaxweyne Trump.

Xaruunta xakameynta cudurada ee magaceeda loo soo gaabiyo CDC, ayaa sheegtay in aaney jirin daawo la oggolaady oo loo isticmaali karo fayrska karona ama dawo looga looga hortago cudurka Covid-19.

Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa bishii lasoo dhaafay soo saaray talo ah in dawada hydroxychloroquine -ka”aan loo arkin inay tahay mid amaan ah oo wax ku ool ah”.

Waxay soo xigateen warbixinno sheegaya in dawadu ay ku sababi karto bukaanada cudurka karona dhibaatooyin dhanka wadnaha ah oo aad u daran .

Mar la weydiiyay hadii dhaqtarka Aqalka Cad uu ku taliyay inuu bilaabo daawada, Mr Trump wuxuu sheegay in isaga qudhiisa uu wax ka weydiiyay arintaas.

Waxaan weyddiiyey, ‘Maxaad u malaynaysaa?’ Wuxuu yiri, ‘waa hagaag, haddaad jeceshahay’, waxaan iri, ‘waan jeclaan lahaa.’

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanu isku arkin wax calaamad ah oo la xiriira fayraska karona waxaa uuna intaa raaciyay in uu si joogto ah isugu sameeyo baaritaanno.

Mr Trump ayaa sidoo kale u sheegay wariyeyaasha Isniintii in dawada hydroxychloroquine ay u muuqato mid saameyn leh.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan maqlay sheekooyin badan oo wanaagsan haddii aysan fiicnaynna, waxaan kuu sheegayaa sax ma doonayo inaan ku dhaawaco.”

Madaxwaynaha ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in daawadan ay leedahay waxyeelo.

Waxaa uu sheegay in warbixinno aan cilmi ku salaysnayn ay sameeyeen dad aan taageere weyn u ahayn Trump .

Mr Trump marka uu sidaas leeyahay wuxuu u muuqdaa in uu tixraacayo daraasad hordhac ah oo laga soo bilaabo bishii Abriil bukaannada Covid-19 ee ku jira isbitaallada ay maamusho dowladda Mareykanka ee loogu talagalay halyeeyada militariga ay soo jeediyeen in dawada hydroxychloroquine-ka aysan wax faaiido ah laheyn oo xitaa laga yaabo inay keento dhimasho badan.

Madaxweyne Trump ayaa waqti galiyay ka dhaadhicinta dadka in dawadaan ay tahay daawo suurta gal ah amba looga hor tagi karo cudurka Covid-19, in kasta oo ay digiino jeediyeen khubarada caafimaad ee maamulkiisa.

Khuburada ayaa sheegaya in dawadaan ay sababi karto waxyeelo, oo ay ku jiraan calaamadaha wadna istaaga, isu buuqa oo keeni kara in qofku is dilo iyo cudurada ku dhaca beerka.

Bishii la soo dhaafay, Ururka Caafimaadka ee Mareykanka, Ururka Farmashiyeyaasha Mareykanka iyo Dhakhaatiirta Nidaamka Caafimaadka ee Bulshada Mareykanka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay kaga soo horjeedaan isticmaalka daawada hydroxychloroquine-ka, iyo daawooyin kale oo dadku u isticmaalaan ka hortaga Covid-19.

Laba daraasadood oo dhawaan la soo saaray yaa qeexayay in 1,400 oo ah bukaano qabey cudurka Covid-19 isla markaana ku sugnaa magaalada New York, in aysan wax faaido ah ka helin daawada hydroxychloroquine-ka .

Daraasad kale oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal Faransiis ah ayaa iyana lagu sheegay in 84 bukaan oo qaatay daawada iyo 97 bukaan oo kale oo helay daryeel caafimaad oo caadi ah marka la is bar bar dhigo aysan waxba u kordhin daawadu bukaanada qaatay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here