Madaxweyne Trump oo laga xiray cinwaankiisii Twitter

trump

Shirkadda Twitter ayaa si rasmi ah madaxweyne Donald Trump uga mamnuucday inuu dib dambe u adeegsado aaladdaas, ayada oo xanibtay cinwaankii uu bartaas ku lahaa.

Twitter ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay go’aankan qaadatay ayada oo ka cabsi qabta in Trump uu sii huriyo rabshado dheeri ah, laba maalin kadib markii taageerayaashiisa ay weerareen xarunta Congress-ka Mareykanka, halkaasi oo shan qof ay ku dhinteen.

Twitter ayaa sheegtay, in laba qoraal oo uu Trump bartaas soo dhigay kadib markii dib loo fasaxay cinwaankiisa oo la hakiyey 24 saac, ay ahaayeen kuwa loogu talo-galay in rabshado lagu dhiiri-geliyo.

Labadaas qoraal ayaa mid waxa uu Trump ku ammaanay dadkii fuliyey weerarka Congress-ka, oo uu ugu yeeray “Waddaniyiin Mareykan ah,” halka mid kale uu ku sheegay inuusan ka qeyb gali doonin calaamo-saarka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Twitter waxay sheegtay in qoraalka hore lagu ammaanay rabshad wadayaal, halka midka labaad ee ah “kama qeyb-galayo caleemo-saarka,” uu diray farriin ah in taageerayaashiisa ay weerari karaan, maadaama uusan isaga joogin.

Barta Trump ee Twitter ayaa waxaa ku xirnaa 88 milyan oo qof oo u badan taageerayaashiisa.

Go’aanka Twitter ayaa yimid saacado kadib markii shirkadda Facebook ay sheegtay inay Trump ka mamnuucday barta facebook iyo barta Instagram oo ay facebook leedahay. Waxaa sidoo kale Trump laga mamnuucay Snapchat.

Xanibaadda ay Twitter iyo shirkadaha kale ku sameeyeen ayaa ah diidmo taariikhi ah oo ka dhan ah madaxweyne u isticmaalay baraha bulshada caannimadiisa iyo inuu madaxweyne noqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here