Madaxweynihii 3-aad oo looga dhowaaqay Kismaayo

madaxweyne cabdinaasir seeraar

Madaxweynihii saddexaad ayaa la sheegay in maanta oo Jimce ah lagu doortay magaaladda Kismaayo, xarunta Jubadda Hoose, halkaasi oo shalay laba madaxweyne loogu doortay.

Siyaasiga Cabdinaasir Seeraar ayaa wuxuu noqonaya shaqsigii ugu dambeeyay ee muddo 24-saac gudahooda ah xilkaasi sheegta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale ay saacadaha soo aadan ku dhawaaqi doonan in ay yihiin madaxweynaha Jubaland, xilli ay xaaladda u muuqato mid jahwareer sii galaysa.

Ma cadda qaabka ay ku timid doorashadiisa, balse Kismaayo waxay la ciir-ciireysaa wax lagu tilmaamay fowdo siyaasadeed.

Shalay ayey ahayd markii magaaladda madaxweyneyaal loogu doortay Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo ay doorteen laba baarlamaan oo halkaas lagu dhisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoon-saneyn natiijadda doorashooyinka “is-caleema saarka ah” ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here