Madaxweynihii hore ee Galmudug Guuleed oo u hambalyeeyey Madaxweyne Qoor Qoor

cabdikariim xuseen

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen guuleed ayaa hambalyo u direy Madaxweynaha Cusub ee loo doortey Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Qoraal uu soo dhigey Bartiisa facebook ayuu ku sheegay in uu rajeynayo in uu Qoorqoor ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

“Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay. Waxaan rajeynayaa in hogaanka cusub uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here