Magaalada Urdun ku taalla oo Masaajidka iyo kaniisadda halka irid laga galo

0
Masjidka Faqrudiin

Dhawaaqa aadaanka salaadda subax ayaa laga maqlayaa dooxo yar oo dadkeedu hurdo badayihiinn ka hor inta aysan fallaaraha ugu horreeya ee qorraxdu soo bixin oo iftiinkeeda aa naan laga dareemin guryo dhagax ah oo ku yaalla inta u dhexeysa saddex buurood.

“Allaahu Akbar” (“Alaah ayaa weyn”), codkii mu’adinka ayaa laga maqlay afarta gees ee magaalada. “Hayya ‘ala-s-salah” (“U dhaqso salaadda”), oo loogu yeedhay cod-baahiyeyaal ka soo baxay minaaradaha kuwaas oo tilmaamaya muuqaalka masjidka.

Daqiiqado ka dib, wadooyinka magaalada waxaa soo buuxdaafiyay dad faro badan iyadoo giraanta gambaleelka kaniisadda iyaduna loogu yeeray dadka kirishtaanka ah inay cibaadada subixi soo xaadiraan.

Waxaan joognay As-Salt, oo ah goobta cusub ee hay’adda UNESCO u aqoonsatay xarun taarikhhi ah ee Bariga Dhexe. Magaaladan yar ee dalka Urdun oo ay ku yaallaan minaaradaha masaajidyada iyo kaniisadaha, ayaa loo asteeyay magaalo nabbed ah oo ay ku wada noolyihin dad “ku wanaagsan dulqaadka iyo martigelinta “.

Waxay ku taallaa isgoysyada ganacsiga ee u dhexeeya Badda Mediterranean-ka iyo Jasiiradda Carabta,
Qoraalka sawirka,Waxay ku taallaa isgoysyada ganacsiga ee u dhexeeya Badda Mediterranean-ka iyo Jasiiradda Carabta,

Waxay ku taallaa isgoysyada ganacsiga ee u dhexeeya Badda Mediterranean-ka iyo Jasiiradda Carabta, As-Salt waxay kortay oo ay noqotay magaalo horumarsan dabayaaqadii qarnigii 19-aad ixilligaas oo dib-u-habayn loogu talagalay “casriyeynta” Boqortooyada Cusmaaniyiinta.

“Dhismayaasha dhagxaanta jaalaha ah waa muhiim, laakiin ma ahan sababta ay As-salt u tahay mid gaar ah,” ayay tiri Thaira Arabiyat, oo ah mulkiilaha dukaan lagu tababara haweenka deegaanka ee xarqaan dhaqameedka xiiseeya. Waxayna igu soo dhaweysay koob kafee ah oo aad u udgoon badan.

“Waxa magaaladan ka dhigay mid gaar ah waa dadka halkan jooga, naxariistooda,” ayay tiri Carabiyat ka dib markii ay ii buuxisay koob labaad oo kafee ah. Markaas Kadib waxay i waydiisay “ma quraacatay, kaalay ila cun.”

"Dhismayaasha dhagxaanta jaalaha ah waa muhiim, laakiin ma ahan sababta ay As-salt u tahay mid gaar ah
Qoraalka sawirka,”Dhismayaasha dhagxaanta jaalaha ah waa muhiim, laakiin ma ahan sababta ay As-salt u tahay mid gaar ah

Intii aan ku guda jiray sahminta waddooyinka ee magaalada iyo luuqyada ciriiriga ah, waxa aan helay martiqaadyo faro badan oo soo noqnoqda kuwaas oo kala sida qado, qaxwo ama shaah la cabo. Caadooyinka soo dhawaynta iyo deeqsinimada ee dadka soo booqda ayaa xidid qoto dheer ku leh magaalada As-salt.

Qarniyo badan, magaaladu waxay ahayd meel muhiim u ah baayacmushtarka iyo xujaajta markay u socdaan magaaloyiinka sida Qudus, Dimishiq, Baqdaad ama Maka. Dadka deegankana way soo dhawayn jireen martida waxayna siin jireen cunto iyo hoy.

Magaalada As-salt
Qoraalka sawirka,Magaalada As-salt

Qarnigii 19-aad, As- Salt waxay noqotay xarunta gobolka laga maamula taasoo soo jiidan jirtay ganacsato ka soo jeeda deegaano kala duwan kuwaas oo kala haysta asal diimeed iyo dhaqan kala duwan. Ganacsataadaas qaarkood ayaa waxay degen magaalada iyago guursaday islamarkaana dhexgalay dadka deeganka.

Arrintaas oo horseeday in dad kala dhaqan ah iyo kala diin ay guur iyo noolal wadaagan islamarkaana sare u qaaddo ganacsiga magaalada.

Deegaanka Al-salt waxaad kuarkaysa masaajid iyo kaniisad iska soo horjeeda iyadoo dadku qaraabada ah ay jacayl iyo wanaag isu muujinayan iyagoo aan firinayn diintooda taas oo sababtay in Qaramada Midoobay Hay’adeeda UNESCO ay u aqoonsato magaalo taarikhi ah oo horumar weyn gaartay oo dalxisayaal badan gaaran sanad waliba.

“As-saLt waxay noqotay meel ay ku kulmaan bari iyo galbeed, goob ay ku kulmaan dadka kasoo jeeda baadiyaha saxaraha iyo magaalooyinka waaweyn,” ayuu yidhi Ayman Abu Rumman, oo ah maamulihii hore ee dalxiiska ee maamul goboleedka Balqa (mid ka mid ah 12-ka gobol ee Urdun), isaga oo intaa ku daray in kala duwanaanshaha magaalada ka muuqda laga dheehan karo dhismaha baladkaasi.

“Dadka halkan ku nool weli waxay u nool yihiin sidii iyaga oo isku qoys ah, ma jirto wax kala sooc ah” ayuu yiri Abu Rummaan mar aan wada fadhiisannay qol ku yaalla madxafka Abuu Jaber oo muuqaal wanaagsan aad ka deehan karto buuraha magaalada.

“Kaniisadu waxay kasoo horjeeda masaajidka waxayna wadaagaan hal albaab,” ayuu yidhi. “Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ayaa midba midka kale ka qaybqaata damaashaadka ciidahooda, waxa ay haystaan ayay la wadaagaan deriskooda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here