Magaalo jab dagaal uga badbaadday taleefan ay haweeney soo dirtay

ethiopian army armor

Dagaalka dowladda dhexe ee Itoobiya iyo deegaanka Tigraay dhexmarayey magaalada Qiraaqir oo ka mid ah magaalooyinki ugu horreeyey uu dagaalku ka billawday waxay ku badbaadday haweeney taleefan u soo dirtay qof magaaladaasi ku sugnaa.

Khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Xisbiga TPLF ee hoggaaminayey deegaanka Tigraay wuxuu dagaal iisu beddelay bishii November ee 2020-ka, magaalooyinka ugu horreeyey uu dagaalku ka qarxayna waxa aka mid ahaa magaalooyinka Qirqaar iyo Daanshaa oo ku yaalla xadka ay wadaagaan deegaanka Amxaarada iyo Deegaanka Tigraay.

Xabaddi waxay ka billaabatay magaalada Qirqaar oo xadka labada deegaan ku taalla marka. Dagaalka marka uu saacado socdayna waxaa la jaray adeeggii isgaarsiinta gaar ahaan taleefonnada taasoo caqabad ku noqotay in la helo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

Haddaba, dagaalka magaaladaasi ay ku soo qaadeen xoogaggi TPLF daacadda u ahaa ee ciidamada dowlada dhexe dagaalka kula jiray iney magaalada ku soo wajahan yihiin waxay ciidamada ammaanka magaaladaasii ku sugnaa ku ogadeen haweeney taleefan lama filaan ah u soo dirtay shaqsi ku sugan magaalada Qirqaar.

Wicitaanka taleefan ee lama filaanka ahaa

Magaalada Qirqaar oo ay ku nool yihiin qowmiyadda Amxaarada waxaa in mudda ah maamul ahaan ay hoos tageysay deegaanka Tigraay.

Balse waxaa hareeraha magaaladaasi muddo dheer isku hor fadhiyey ciidamada booliska gaarka ee labadaasi deegaan ka soo kala jeedo.

Dhame Ashabbir Sisaay wuxuu ahaa taliyaha booliska magaalada Ketema-Nigus oo hoos tagi jirtay deegaanka Tigraay. Hase yeeshee amni la’aanta iyo jawiga colaadeed ee deegaanka Tigraay hareeyey waxay ku kalliftay inuu xaaskiisa iyo carruurtiisa uu ka soo tago uu taliyaha booliska uu ka noqdo magaalada Tsegede ee deegaanka Amxaarada.

Haddaba 3-dii November oo ku beegneyd habeennimo talaada ah waxaa dhacday arrin la yaab leh.

Xaaska Ashabbir oo magaalada Katama-Nigus marti ku ah ayaa waxay saqdi dhexe ku soo baraarugtay rasaas xooggan iyo hub culus oo magaalada ay ku sugneed dhanwalba uga soo dhacaya.

Sawaxanka rasaasta iyo daryanka madaafiicda ayey si weyn uga argagaxday waxayna markiiba go’aansatay iney seygeeda oo ah Dhame Ashabbir Sisaay iney taleefan u dirto.

“Saldhigga ciidanka qaranka ee ku yaalla magaalada Katama Nigus ee aan ku sugannahay waxaa lagu soo qaaday dagaal xoggan, magaalada Daanshaana inuu dagaal ka billaawday ayaan maqalnay fadlan idinku is ilaaliya” ayey igu tiri ayuu yiri Ashabbir Sisaay oo xusuusanaya taleefankii ay xaaskiisa habeenkasi u soo dirtay xilli ay saacaddu mareysay 11:30 fiidnimo.

Wicitaankaasi ayaa noqday farrinti ugu horreysay ee digniinta oo ay haweeneydaasi soo gaarsiisay magaalada Qiraar iyo nawaaxigeeda shacabkii iyo ciidankii ku sugnaa.

Ashabbir markiba isaga oo ka duulaya farriinta ay xaaskiisa soo gaarsiisay wuxuu markiba la xiriiray taliyeyaasha ciidamada ee ka sarreeyey ciidamada qaybhaooda kala duwanna waxay sameeyeen diyaar garow degdeg ah.

“General Mulualem Admaasuu oo aan weydiinnay xaaladda dagaalka ee ay gabadha na soo gaarsiiyey wuxuu noo xaqiijiyey xabbad iney ciidanka qaranka ku socoto xaaladduna ay cakiran tahay saacadaha soo socdana dagaal uu idnku soo wajahan yahay marka difaac iisu diyaariya, ciidanka iyo maleeshiyaadka ku sugnaa magaalada iyo nawaaxigeeda dhufeyso iyo aagag ayey markiba kala galeen” ayuu yiri Getachew oo BBC u warramay.

“Xaaska saaxibkeey Ashabbir haddii ay taleefan noo soo diri lahayn natiijada dagaalka magaalada Qirqaar lagu soo qaaday sidan wey ka baddalmi lahayd” ayuu yiri taliyaha booliska degmada Tsegede.

Dagaalkii lagu badbaadiyey magaalada Qirqaar

Dagaalki seqde dhexe ka billaawday magaalada Qiraaqir oo ay billaabeen xoogagga TPLF wajigiisa hore wuxuu socday 2 saacadood wuxuuna soo dhammaaday 03:30 saqdi dhexe” ayuu yiri Maanallegn Warqee oo ka mid ahaa saraakiishii dagaalka hoggaaminayey oo BBC u warramay.

“Maleeshiyaadka TPLF ee dagaalka nagu soo qaaday xagga hubka iyo saanaddaba wey naga sarreeyeen balse xogta aan haweeneyda ka helnay annaga oo ka duuleyno maadaamaa aan difaac galnay guusha dagaalka innaga ayey na raacday” ayuu yiri.

“Ugu dambeyntina dagaalki ay nooga digtay haweeneydi Dhame Ashabbir oo 3-dii November sacaddu markay ahayd 11:30 nagu billaawday wuxuu soo idlaaday 5:30 galabnimo ee maalinti xigtay oo arbacada ah oo ku beegneed 4-tii November, waxaanna ku guuleysannay inaan gacan ku haynta magaalada Qirqaar gabi ahaanba aan soo celinno maleeshiyaadka weerarka soo qaadayna ay jabaan” ayuu yiri alifle Waanyew oo BBC u warramay.

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here