Magacyada iyo qabiilada 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna ku matalaya Galmudug

sh Shaakir

Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa shaaciyey liiska 20 Xubnood ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ka siiyey Baarlamaanka Cuusb ee loo xulayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Qoral kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu soo bandhigey Magacyada 20 xubnood kasoo galaya Baarlamaanka Galmudug dhinaca Ahlusunna iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan.

Warqadda ayaa la rumeysan yahay inay Ahlu Sunna u dirtay beesha Caalamka, waxayna guddiga doorashada Galmudug Caasimadda Online u xaqiijiyeen inaan weli xafiiskooda lasoo gaarsiin liiskaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah u xaqiijisay inay Ahlu Sunna u ogolaatay 20 kamid ah Xildhibaanada Galmudug, iyadoo la filayo inuu Ra’isulwasaare Kheyre tago magaalada Dhuusamareeb si loo adkeeyo heshiiskaas.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada iyo qabiilada 20-ka Xildhibaan ee Ahlu Sunna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here