Magacyada iyo xilalka saraakiishii sare ee lagu dilay qaraxii Gaalkacyo

saraakiil qarax gaalkacyo

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu booqanayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo war rasmi ah ku sheegtay in qaraxa uu fuliyeey qof is-miidaamiyey oo ka tirsanaa ciidankooda, islamarkaana bartilmaameedka qaraxa uu ahaa ra’iisul wasaare Rooble.

Qaraxa oo ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Rooble, ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare. Dadka ku dhintay qaraxan ayaa waxaa ka mid ah:- 

1 – Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari).

2 – Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.

3 – Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.

4 – Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha, waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay qaraxa.

Dhowaan ayay ahayd markii qarax uu ka dhacay Gaalkacayo, kaas oo lala eegtay xarun dowladdeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here