Magacyada xubno Shabaab ahaa oo duqeyn lagu dilay

AlShabaab drone

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaano ay heysato Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa waxa lagu garaacay, Jilib, Jamaame, Salagle iyo Xaramka oo ka kala tirsan gobolladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaaqa gantaallo culus oo qaar kood lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in weeraradaan xubnaha lagu dilay ay ka mid ahaayeen labo sarkaal oo magacyadooda lagu soo gaabiyey Macalin Arbow iyo Axmed.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in duqeymahaasi lagu khaarijiyey dagaalyahanno kale, laguna burburiyey saldhigyo ay laheyd kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadaan weerarkaasi ‘khasaaraha badan lagu gaarsiiyey’.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada dhulka iyo  duqeymaha cirka ee ka dhanka ah dagaalyahannada hubeysan ee Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here