Mahdi Guuleed oo magacaabay guddiga qaban-qaabada munaasibada xilwareejinta ee Ra’iisul wasaaraha

RWKX Mahdi Maxamed Guuleed2

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta magacaabay guddi cusub oo ka shaqeyn doono qaban-qaabada munaasabadda xil wareejinta ee Ra’iisul wasaaraha cusub.

Xubnaha guddiga ee la magacaabay oo heer wasiir ah ayaa waxaa ka mid ah sii hayeyaasha xilal ka wasiirada dhalinyarada, gaashandhiga, qorsheynta, dastuurka, duulista hawada iyo caddaaladda.

Sidoo kale guddigan ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah u guda galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday, gaar ahaan sidii ay u dhici laheyd munaasabadda xil wareejinta.

Sida ka muuqata xubnaha guddiga kama mid ahan wasiiradii ugu dhowaa Xasan Cali Khayre, sida wasiirka amniga iyo kan arrimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa habeen hore Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaas  oo bedalaya Khayre oo xafiiska joogay saddex sano ka badan.

Rooble ayaa waxaa horyaal shaqooyin adag, sida arrimaha doorashooyinka ee 2020/21, wuxuuna heystaa muddo aad u kooban, marka la’eego muddo xileedkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here